Jahawareerka ugu wayn ee ku dhacay dadka Soomaaliyeed waa qaabka dawladnimo ee aynu qaadanay iyo sida khaldan ee loo isticmaalay. Tusaale, inta badan goobaha shaqada waxay la daala dhacayaan farqiga wayn ee u dhaxeeya qaabeenta shaqada (work-as-designed) iyo qabashada shaqada (work-as-done). Midda hore waxay si toos ah u hagaysa sidee loo qaban karaa shaqada taalo, midda labaadna waxay si toos ah u qeexaysa shaqada rasmiga ah ee laga qabanayo goobta shaqada (work environment). Inta ay jirto hab si joogto ah loogu wada xiriirayo isla markaana lagu wadaagayo heerka uu marayo qorshihii la dejiyey iyo shaqadii la qabtay, sida caadiga ah hayadahaasi waxay u sameeyaan horumar iyo hor usocod dhanka saxda ah.
Sidaas si la mid ah, Soomaaliya waxay leedahay dastuur ku-meel-gaar ah weli aan si buuxda loo dhamaystirin oo lagu sii shaqeyn karo (work-as-designed) laakin sida Dawladda Federalka iyo maamul-goboleedyada ugu dhaqmaan ayaa ah mid lid ku ah waxa ku qoran dastuurka dalka (work-as-done).
Badanna nidaamka federaalka, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood. Qeybta kowaad waa mid ku dhisan badnaanshaha hal qowmiyad (Mono-national federalism), sida Jarmalka iyo dalka Uustariya. Qeybta labaad waa mid ku dhisan kala duwaanashaha qowmiyaddaha kuna midoobay habka federaal heer qaran ah (multi-national federalism) tusaale waxaa ka mid ah dalka Itoobiya oo u qaybsan qaab kala duwanaashada qowmiyeedeed sida Soomaalida, Tigree, Oromada iwm.
Markii labadaas qaab la eego waxaa kugu soo dhacaya in Soomaaliya loo dhisay habka hore ee mono-national federation madaama Soomaalidu yihin dad isku isir ah, taasina waa mid aan sax ahayn, maxaa yeelay, Soomaaliya malahan nidaamkaas ku dhisan qaabkaas isu dheeli-tiraya awood-qeybsiga dowliga ee maamulka dowladda dhexe iyo goboladda.
Balse, xaqiiqdi markii la eego sida ay maamulada u dhisanyihin waa qaabka labaad ee aan kor ku soo xusnay ee multi-national federation, madaama uu ku saleeysan yahay qaab qabiili.
Kadib markii aan la dhaqan-gelin awood-qeybsiga rasmiga ee ku xusan dastuurka, waxay kaliftay in xiriirka dawladda iyo maamul goboleedyada noqdo mid aad u kala fog.
Sidaas awgeed, maamul goboleedyada waxay si tartiib ah iskood u samaysteen hab maamul oo iskii u taagan kaas oo metelaya sidii dawlado ku midoobay hal ujeedo (confederation) laakiin leh xudoodo cayiman, tusaale waxaynu usoo qadan karnaa Midowga Yurub.
Adduunkana kama jirto dawlad goboleed xubin ka ah dawlad ku dhisan qaab federaal ah hadana sameeya waxyaabahan xoos ku xusan:
- In loo qaabilo madaxda qaranka sida madax shisheeye marka ay booqaanyaan magaalooyinka ku yaala maamul goboleedyada. Waxaad arkaysa iyagoo lagu soo dhaweenayo ciidamada bambayda, heesta calanka, iyo masrax laga qudbeeyo oo lasoo dhigay calanka dalka iyo calanka maamul goboleedka, sida iyagoo siman.
- In ay yiraahdana waxaanu u jarnay xiriirkii dawladda dhexe markii sida ay doonayaan waxba u dhicin.
- In dastuurka maamul goboleedyadu leeyahay awoodo aad moodo inu ka sareeyo dastuurka qaranka.
- In ay la sameeyaan heshiisyo caalami ah dawladdaha shisheeyo iyagoon soo marin dawladda dhexe.
- In ay si iskood ah u maamulaan gegidda diyaaradaha iyo dekadaha kuwaas oo ah hanti qaran una diidaan maamulkeeda dawladda dhexe.
- Inay ay qaybo ka mid ah ciidamada qaranka iyo sirdoonka weli maamulan maamul goboleedyada halkii ay ka maamuli lahayd dawladda dhexe.
Gebogabdii, si looga gudbo is fahamwaaga ka jira loona helo hab ku dhisan maamul wadaag si federaal ah, dawladda Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay heshiis rasmi ah ay la gasho maamul goboleedyada, ayna xadido awoodda aan xadka lahayn ay isticmalaan maamul goboleedyada midkaas oo u eg sidii dawladdo yaryar oo madaxbanaan oo caalamka aan aqoonsanayn.
Si taasi u hirgasho:
- Waa in ciidamada qaranka ka shaqeeya maamul la hoos keeno wasaaradda Difaaca ee Dawladda Federaalka.
- Waa in dastuurka la dhamaystiro isla markaana u noqdo mid si joogto ah loogu shaqeeyo.
- Waa in la dhameystiro lana xoojiyo Maxkamada Dastuurka ah si marka is faham waa dhexmaro dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka ay maxkamadu noqoto meesha loo laabto halkii la oran laha xiriirkaanu dawladda u jarnay.
- Waa in hantida qaranka ee ku jirta gacanta maamul goboleedyada lagu wareejiyo Dawladda Federaalka.