Excerpt of Siad Barre’s speech to the Somali lecturers at Somali National University – 1975:
“Someone people might be under the illusion that they have got all the knowledge they would ever need when they take their first degree. It is not so. The right-thinking human being could never say “enough”, I have had enough of knowledge”. There is no limit to knowledge. One is learning something throughout one’s life. The person who teaches at a university should have an unsatiable appetite for knowledge. he has the keys to the doors of knowledge, and it is up to him to open these doors and to keep opening them. Embarking upon the road to knowledge entails hard work, research, patience, perseverance, forgeing sleep, and a stubborn persistence to get to the bottom of whatever you want to find out. Why should a person embark on such a difficult road? To benefit himself and his people.” (Speech to the lecturers at Somali National University – 1975)
“Ruuxa baraha sare noqon doona waxa weeye ruuxa u leh karti iyo dadnimo iyo qofnimo qiimihiisa u leh baa noqon karahaya. Micnuhu waxa weeye midka shahaadada markuu qaatay aan is dhihin habartii Nabi SCW dhashay dhameysay ee tacliintiisa sii wata, maxaa wacay waxay u furtay albaalbkii cilmiga shahaadada uu qaatay cilmigiise ma wada baran. Albaabkaana isaga ayaa heli kara in uu hore u galo, hadduu meeshiisa joogona waa heli karaa. Marka kan baraha runta ah noqon karaa noqon doonaana kaa buu u dhammaan doonaa. Waxaa weeye kan albaabkii furmay sii guda galay. Guda galkaasu muxuu u baahan yahay? Wuxuu u baahan yahay inuu dhibaatooyin badan u bareero, inuu hurdo la’aan u bareero, inuu akhris badan u bareero, inuu baarid badan u bareero, inuu doonid badan u bareero iyo inuu ilaa wa ilaa ka gaaro guntii cilmiga. markaana uu dadka wax ugu tari karahayo. “(Khudbad loo jeediyey barayaasha Jaamacadda Qaranka – 1975).
Wallee ninkaas waa loo aayey, waana loo aayi. Wuxuu ahaa waddani aan gabban, laakiin nasiibxumo jabhadihii dadka ku diray ee Liibiya iyo Xabashidu hubeeyeen ayaa fawdo noo keenay iyagoon aqoon u lahayn dowlad-dhisid. Waxay na badeen waxaa ka daran waxay na bareen…
Maxamed Siyaad Barre waa ninka keliya ee aan wax hanti ah ka tegin marka la eego gebi ahaan Soomaalidii madaxda soo noqotay ilaa iyo isticmaarkii. Maalintii uu afgenbi u sameeyey inuu musuqmaasuq joojiyo oo Soomaali isu keeno ayuu dhul uu ku lahaa Muqdisho u hibeeyey dowladda. Waa taariikh qoran balse dadka og ma jecla in ay sheegaan. Wixii dagaal-ooge, dhiigyacab, qabqable, madax ku meel gaar ah, shayaadiin islaam sheegta ee dalka soo maray nin kasta xatooyo xoolo dadweyne ayuu ka noolaaday. Qof kasta aakhiradiisa ayey u taallaa…