Somali blog – somalimind.com
  • HOME
  • GENERAL
  • HISTORY
  • Politics
  • How to get in touch

Somali Blog - Somalimind.com

RSS FeedTwitterFacebook
Mar 30 2013

Tusaale Waalid — Parental example

Posted by M Shire
Tweet

The following poem, composed by Ali Mire Awale, carries words of wisdom to his elderly daughters whom he reminds to never forget the struggle he underwent to raise them as a single father. Ali Mire Awale was one of the first batch of Somali teachers in 1960. An established scholar, he is credited to have written the Somalia’s national anthem: Soomaaliyeey toosoo. The poem was last printed in the ’70s never to be reprinted again after the fall of the central government.

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Cali Mire Cawaale oo uu tiriyey gabadhihiisa waaweyn oo uu rajeynimo ku soo koriyey. Ujeeddada uu Cali ka lahaa gabaygan waxay ahayd inuu ku waaniyo gabdhihiisa waaweyn inay xannaaneeyaan carruurta ka yar yar ee haweeneyda uu qabaa ay dhashay; iyo inuu ogeysiiyo inuu dhib badan ka so maray korrimadooda. Cali wuxuu ka mid ahaa macallimiintii ugu horreeysay ee dalku yeeshay, wuxuuna qayb weyn ka so qaatay waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed.

Da’ qofkii noqdaa loo ogaa inu dardaarmaaye
Gabdhayow duq baan ahay haddeer aan durdurineyne
Waxaan idinka doonaana waa daacad iyo xooge

Carruurtaan ducaysneyne way degel xumaataaye
Inaad dadaahaysaan ilmaha idinku doorroone
Haddaydaan dulqaad yeelan waa dibudhac reereede

Idinkaba wax badan baan dartiin daal u soo maraye
Duleed lagama helin xoolihiyo daartaad huruddaanne
Dagaal baan u soo galay waxaad duni arkaysaane

Dabbaan shiday intaan daango dubey rooti duhur qaatay
Daryeelkiina awgiis xawaash dumar la soo ibshay
Dadaal aan idiin qabo cuntada dacal ku soo laabay

Idinkaan dareemine ma yara diifta igu taalle
Allahayow, daraaddiin maxaa “daanno” igu gaartay
Doqon iyo damiin iyo maxaan nacab la daaweystay

Dayac ka raw intii aan lahaa dacas maxay fuulay
Dereskooda yay mudan maxaan deyn u galay xoog leh
Dadku yuu rajo u garan maxaan dahab idiin siiyey

Dabayl iyo kulayl iyo maxaan dibad idiin meeray
Diihaal anoo qaba maxaan qariyey daalkayga
Kolkuu diiggu ciyo aawadiin dalag maxaan raadshay

Dulbaax iyo baruur iyo maxaan dasib idiin keenay
Dermo iyo furaash iyo maxaan gogol idiin daadshay
Diibaaj xariiriyo maxaan diric idiin gooyey

Middii dureyda lel dhexe maxaan daawadow kiciyey
Dugaaggiyo maxaan idinka jirey daallin iyo meel xun
Maxaan idinka digey xaajo aan idinla diidaayo

Duurxul hadal ah naag tiri allow diiq maxaan geliyey
Dulmi idinka oo falay maxaan idinla soo duubtay
Dembi aad samayseen maxaan duulal kale saaray

Derejiyo wanaag iyo maxaan samo idiin doonay
Duco iyo maxaan Eebbe-tuug idinku sii daayey
Eeggana dantay aan hadlee waxaan ku soo duubay

Daacad iyo werdiga Weynehey docogso mooyaane
Inaan daayo yaa ila gudboon duunyo dhiqiddeede
Bal aan dayo abaal inuu dad galo daayin baa garane

Tags: ali mire awaale, poem, poet, rajo, single father, somalia

Comments (5)

Add a comment Top
  1. Maxamed Cilmi Shabeel
    31/12/2013

    Walee waa gabay qiimo leh oo waxbadan la faa’idayo.
    Walee waan ooyaa markasta oo aan soo xasuusto dhibka waalidkeen koristeena ka soo maray. Allah(swt) jannadiisa ha ka abaal mariyo dhamaantood.

    Reply
    • Adam mohamuud
      05/02/2018

      Masha allah allah janadda ugu bishaareeyo waaladiinteena dhamaan .maxamed cilmi

      Reply
  2. mohamed
    22/04/2015

    waa gabay micno weyn xambaarsan tuducya qaar markan akhrinaayo dareenkeyga sikale yau noqonaa

    Reply
  3. Ururshe
    15/07/2018

    Masha allah Gabaygaan Cali Mire Caale waa gabay dhaxal gal ah,waana ah ,tusala ah ,una ah dhamaan awlaada soomaalida in ay xusuustaan waalidiintiin hawsha ay ka soomaraan koriimada iyo barbaarintooda.

    Reply
  4. Mohammed M Hilowle
    22/04/2020

    Masha allah illaah danbigooda hadhaafa waalidiinteen cali mire cawaale aad ayuu iitaabtay waayo waxaad moodaa in uu aniga iga hadlaayo dabcan caruur gabdha iyo wiilal ba leh ayaa ii jooga raja maahan oo hooyadood waa lajoogtaa laakinse mushkilada waxaankala joognaa yurub iyo somaliya cali mire waxaan isga mid nahay yaan ladareemin yeeysan cidkale ubaahan waxaan haayo intaan bixiya ayaan deeyn ugala marar badan

    Reply

Add a comment Cancel Reply

About Me

M Shire

Salam, welcome to my blog!

RECENT POSTS

  • Djibouti Ep. 1 | Horn of Africa | You’re Going Where? Travel Series | Full Documentary HD
  • Indeed, Allaah is ever watching over you
  • Hooyo (mother) and Aabbo (father)
  • He shaped you and then made your shapes beautiful
  • Nidaamka Federaalka Soomaaliya

RECENT COMMENTS

  • Liban Awale Jama on Rare historical images of the day-to-day life of Somali nomads
  • Mohamed abdulbari on Baardheere Religious Scholars
  • Mohammed M Hilowle on Tusaale Waalid — Parental example
  • Mohammed Ibrahim Shire on Nasiib Buundo: a forgotten Somali Bantu anti-colonial leader
  • A.M.A on Nasiib Buundo: a forgotten Somali Bantu anti-colonial leader

ARCHIVES

  • April 2020
  • December 2019
  • October 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • July 2019
  • May 2019
  • March 2019
  • February 2019
  • September 2018
  • July 2018
  • October 2017
  • February 2017
  • June 2016
  • May 2016
  • April 2016
  • March 2016
  • January 2016
  • December 2015
  • November 2015
  • October 2015
  • September 2015
  • July 2015
  • June 2015
  • May 2015
  • February 2015
  • December 2014
  • November 2014
  • September 2014
  • August 2014
  • July 2014
  • June 2014
  • May 2014
  • April 2014
  • March 2014
  • January 2014
  • December 2013
  • September 2013
  • August 2013
  • June 2013
  • April 2013
  • March 2013
  • February 2013
  • January 2013
  • December 2012
  • September 2012
  • August 2012
  • July 2012
  • June 2012

Archives

  • April 2020
  • December 2019
  • October 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • July 2019
  • May 2019
  • March 2019
  • February 2019
  • September 2018
  • July 2018
  • October 2017
  • February 2017
  • June 2016
  • May 2016
  • April 2016
  • March 2016
  • January 2016
  • December 2015
  • November 2015
  • October 2015
  • September 2015
  • July 2015
  • June 2015
  • May 2015
  • February 2015
  • December 2014
  • November 2014
  • September 2014
  • August 2014
  • July 2014
  • June 2014
  • May 2014
  • April 2014
  • March 2014
  • January 2014
  • December 2013
  • September 2013
  • August 2013
  • June 2013
  • April 2013
  • March 2013
  • February 2013
  • January 2013
  • December 2012
  • September 2012
  • August 2012
  • July 2012
  • June 2012

CATEGORIES

  • General
  • History
  • Politics

LINKS

  • Facebook

Categories

  • General
  • History
  • Politics
  • Uncategorized

Contact Me

Somalimind.com 2018. All rights reserved.